Israa'iil oo soo saartay tallaabooyin aargoosi ka dhan ah dawlada Senegal oo u codaysay qaraarkii Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah Israil

Israa'iil ayaa si rasmi ah u ogeysiiyay dawlada Senegal tallaabooyinka carada leh oo ay uga jawaabayaan codeeyntii dalkaasi ee hawlaha degsiimooyinka sharci darada ah ee dhulka la haysto ee Falastiiniyiinta.

Tani waxaa xaqiijiyay Wasaaradda Senegal ee Arrimaha Dibadda oo warbixin ku sheegay khamiistii inay ka warhayaan tallaabooyinka diblomaasiyadeed ee uu amarka ku bixiyay Ra'iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu dhawr saacadood ka dib markii la ansaxiyay qaraarka.

Qaar ka mid ah tallaabooyinka shaaca ay ka qaaday Wasaaradda ayaa ka mid ah yihiin Israa'iil oo dib ugu yeertay danjiraheeda u joogay Senegal, baajinta booqasho la qorsheeyay oo Israa'iil uu ku tagi lahaa Wasiirka arimaha dibada dalka Senegal, baajinta aqoonsiga Safiirka Senegal ee Israa'iil kaasoo ku nool magaalada Qaahira iyo hakinta barnaamijyada iskaashi ee la galeen dawlada Senegal.

War saxaafadeedka Senegal ayaa sidoo kale lagu sharxay in ay taageertay xalka cadaalada iyo sinnaanta ah ee khilaafka Israel-Falastiiniyiinta, taas oo lagu dhaqangalinayo jiritaanka labada dal, ammaanka iyo xuduudaha uu caalamku aqoonsan yahay."

Faallooyin