Nigeria: Bariis loo haystay in caag laga sameeyay' oo markii danbe noqday mid wasakhaysan

Nigeria: Bariis loo haystay in caag laga sameeyay' oo markii danbe noqday mid wasakhaysan 30 December 2016

Hay'adda cuntada iyo daawada Nigeria ayaa xaqiijiyay baaritaan hordhac ah oo ku saabsan bariis la qabtay inuu aheen"bariis caag ah" laakiin uu wasakhaysanyahay bariiska.

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Hay'adda Qaranka ee Maamulka Cuntada iyo Dawooyinka iyo Kontoroolka (NAFDAC) Yetunde Oni ayaa sheegay sida ku cad natiijada baaritaanka ugu dambeeyay, bariiska laga shakisan yahay uusan nadiif aheen.

"Iyada oo lagu saleynayo natiijada shaybaarka kor ku xusan, bariiska kama samaysna caag sida loo maleenayay laakiin waa bariis wasakhaysan oo jeermis ku jiro, Sidaa darteed, aan la isticmaali karin ayuu ku sheegay shir jaraa'id oo ay si wada jir ah u qabteen Hay'ada iyo Adeegga Canshuuraha.

Waxay intaa ku dartay in bariiskan la qabtay ay gubi doonaan saraakiisha Adeegga Canshuuraha islamarkaana dadweynaha uga digtay inay cunaan bariiska wasakhaysan.

102 kiish oo bariis ah oo ku qoranyihiin Beat Tomato Rice ayaa waxaa qabtay saraakiisha Adeegga Canshuuraha ee magaalada Ikeja, caasimadda gobolka Lagos , ka dib markii ay soo baxeen warar xanta ee sheegaya bariis caag ah" .

Hal qof ayaa la xiray oo xidhiidh la leh ee badeecadaha iyo qaybinta bariiskaasi halaysan. Wasiirka Caafimaadka Nigeria, Isxaaq Adewole ayaa markii danbe meesha ka saaray sheegashada "bariiska caag ah" ka dib markii baaritaan hordhac ah la sameeyay.

Comments