Itoobiya: Hogaamiyaha Oromo oo beeniyay inuu wax xiriir la leeyahay argagixisada.

Itoobiya: Hogaamiyaha Oromo oo beeniyay inuu wax xiriir la leeyahay argagixisada.30 December 2016

Dr Merera Gudina, hogaamiyaha mucaaradka iyo Guddoomiyaha federaaliga Oromo Congress (OFC), ayaa beeniyay eedaymaha lala xiriirinayo argagixisada ee dowladda Itoobiya ku eedeysay isaga .

Qareenada ayaa sheegay in (Gudina) uu ku celceliyey islamarkaana beeniyay wax kasta oo lagu eedeeyay ee argagixisada intii uu ku jiray dacwada maxkamadda isagoo sheegay in uu ku qaatay noolashiisa oo idil cilmiga iyo wacyigalinta ka gees ah hadafyada rabshadaha iyo argagixisada.

Warbaahinta onlineka, Standard Addis ayaa sheegtay in hogaamiyaha u kasoo muuqday maxkamadda markii labaad khamiisti. iyadoo saaxiibada, xubnaha qoyska, asxaabta iyo diblomaasiyiinta ay soo buuxiyeen maxkamadda si ay u dhagaystaan inkasto dibada lagu celiyay madaama fadhiga uu ahaa mid aan u furneen dadweynaha.

Booliska ayaa markii dambe si kastaba ha ahaatee la siiyay mudo bil ah in lagu soo gabagabeeyo baaritaanka lagu eedeeyay ee la xiriira argaggixisanimada.

Comments