Kenya: Al shabaab oo looga cabsi qabo inay faragalin karaan nidaamka codaynta elektarooniga ah

Kenya: Al shabaab oo looga cabsi qabo inay faragalin karaan nidaamka codaynta elektarooniga ah29 December 2016

Xoghayaha Golaha Xukuumadda ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Joe Mucheru ayaa khamiistii ku saleeyay nidaamka codeynta buuga ama gacmaha lagu suubiyo ay dabada ka riixayaan xukuumada inay qayb ka tahay cabsida ah inay farageliyaan al Shabaab doorashada 2017 .

Mucheru, oo kasoo hor muuqday guddiga golaha guurtida ee arrimaha sharciyada ayaa difaacay qorshaha dawladda ee in wax laga beddelo sharciyada doorashada.

"Waxaan dagaal kula jirnaa al Shabaab kuwaasoo lagu yaqaano inay farageliyaa nidaamka isgaarsiinta. Wasaaradda ayaa si buuxda u soo jeedinaysaa nidaamka manualka ah ee buugga," ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in xulashada nidaamka manyuwalka uu si fiican u shaqaynayo ma aha oo kaliya sababtoo ah argagixisada, laakiin sidoo kale sababo la xiriira caqabadaha kale ee kaabayaasha isgaarsiinta ee dalka.

Mucheru ayaa sheegay in teknoolijiga ay ku guuldareysteen xitaa dalalka ugu wanaagsan ee hormaray, isagoo intaa ku daray in network oo lagu fashilmo iyo jabsiga dhab ahaantii ee dhici karaan.

Comments