Hogaamiyaha Philippine oo sheegay inuu ka tuuri doono saraakiisha musuqmaasuqa helicopter hawada ku jirta ,ka horna uu sameeyey.

Hogaamiyaha Philippine oo sheegay inuu ka tuuri doono saraakiisha musuqmaasuqa helicopter hawada ku jirta ,ka horna uu sameeyey.29 December 2016

Madaxweynaha Filibiin Rodrigo Duterte, ayaa ugu hanjabay mas'uuliyiinta xukuumadda ee musuqmaasuq lagu helo inuu iyaga ka tuuri doono helicopter hawada duulaysa, isagoo ka digay in uu shakhsi ahaan horay u sameeyay arintaasi islamarkaana uu wax shaki ah ka qabin inuu mar kale sameeyo.

Xeer ilaaliyihii hore iyo duqa magaalada ayaa sheegay in uu mar ka tuuray nin Chinese ah oo lagu tuhunsan yahay kufsi iyo dil helicopter duulaysa.

"Haddii aad tahay musuqmaasuq, waan idiin kaxayn doonaa anigoo isticmaalaya helicopter waana idinka soo tuuri doonaa. Tan waxaan sameeyey kol hore. Waa maxay sababta aan mar kale u samayn karin?"

Duterte ayaa hadlka kasoo yeeray inta lagu guda jiro hadal uu u jeedinayay dhibanayaasha duufaanka uu saameeyay, muqaalka hadalkaas oo markii dambe la dhigay boga xafiiska madaxweynaha.

Comments