Hoggaamiyaha Boko Haram oo beeniyay in ciidamada Nigeria ay ka adkaadeen kooxda.

Hoggaamiyaha Boko Haram oo beeniyay in ciidamada Nigeria ay ka adkaadeen kooxda.29 December 2016

Hogaamiyaha Boko Haram Abubakar Shekau ayaa meesha ka saaray sheegashada dowladda Nigeria in kooxda la eryay dhufayska kaynta Sambisa ee waqooyi bari ee dalka.

Fiidiyoow 25-daqiiqo socday oo la soo saaray Khamiistii, ayaa Shekau oo u muuqda qof caafimaadkiisa taam yahay islamarkaana ay ku hareereysan-yihiin dagaalyahanada oo hubeysan ayaa ku eedeeyay dowladda inay u sheegayaan been dadka.

"Waan nabad qabnaa, mana jirto meel nalaga eryay, islamarkaa xeeladaha iyo istaraajiyada ma muujin karaan booskana inuu Eebe doono mooyee," ayuu yiri Shekau, isagoo intaa ku daray: "Waa in aan been loo sheegin dadka, haddii si xun naloo jebiyay, sida aad aragtaan umaan muuqdeen . Imisa jeer baad na disheen ayuu yiri.

Hogaamiyaha Boko Haram ayaa si weyn u muujiyay goolka kooxda in la dhiso Khilaafa Islaam ah halka uu sheegay in dagaalka uu wali dhamaan.

"Askartiina ayaa doonayaa fasax, marka waxay sheeganayaan in shaqada la dhammeeyay," ayuu Shekau ku yiri fidowyga oo uu sheegay in la duubay 25 December.

Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa ku dhawaaqday 24 December in ciidanka xooga dalkaasi uu burburiyay kooxda argaggixisada ah ee kaynta Sambisa oo ku taalla Gobolka Borno ka dib dhawr bilood oo hawlgallada hubaysan.

Comments