Ciidanka Zambia oo dagaal kula jira cayayaanka dirindiirta oo fara kulul ku haya baabi’inta beeraha.

Ciidanka Zambia oo dagaal kula jira cayayaanka dirindiirta oo fara kulul ku haya baabi’inta beeraha.29 December 2016

Dawladda Zambia ayaa ka codsatay ciidanka militiriga dalkaasi ​inay ka caawiyaan dagaalka ka dhanka ah duulaanka cayayaan fara kulul ku haya baabi’inta dalaga iyo geed miroodka sanadkan ay beerteen islamarkaana halis ku ah cuntada ee dalkaasi.

"Ciidamada cirka ayaa bilaabay inay ka hawlgalaan gobollada cayayaanka saameeyeen," sida uu ku yiri hadal uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada Zambia Amos Chanda.

"Madaxweynaha (Edward Lungu) ayaa amar ku bixiyay in kiimikada lasoo iibiyay loo qaybiyo dalka oo dhan," ayuu hadalkiisa raaciyay.

"Haddii aan la xadidin cayayaanka dhibaateeynaya dhirta oo ku soo badanaya deegaanka beeraha caanka ku ah ayuu sheegay madaxweynaha inay halis ku tahay 2016-2017 goosashada beeraha ay noqon doontaa mid xun.

Cayayaanka ay sida gaarka ah uga cabanayaan beeraleydu ayaa ah kan loo yaqaan Dirindiirta oo dulaan ba'an ku haya afar ka mid ah tobanka gobol oo Zambia, oo dhamaan ku yaalla bartamaha dalka (Sambia, Luapula, Bartamaha iyo Lusaka).

Comments