Dawlada Colombia oo meel marisay sharciga cafiska ee falaagada FARC oo qayb ka ah heshiiska nabadeed

Dawlada Colombia oo meel marisay sharciga cafiska ee falaagada FARC oo qayb ka ah heshiiska nabadeed29 December 2016

Kongreska dawlada Colombia ayaa ansixiyay sharci cafis loogu fidinayo Ciidamada Qalabka Sida ee falaagada Colombia (FARC) oo qayb ka ah heshiiska nabada dhawaan dhex maray xukuumadda dalka iyo kooxda mucaaradka.

Sharciga ayaa waxaa meel mariyay labadaba aqal ee Senate ka iyo aqalka hoose ee Kongreska maalintii arbacada, xeerkaasoo lagu cafinayo kuwa mucaaradka FARC ee galeen dambiyada yaryar oo kaliya intii ay socdeen dagaalada 52-sano ah ee dalkaasi.

Sharciga wuxuu daboolayaa dambiyada ugu badan ee jabhada laakiin kuma jiraan kuwa loo haysto dembiyada dagaalka ama xadgudubka xuquuqda aadanaha. cafiska ayaa sidoo kale khuseysaa xubnaha military ee dalka.

Comments