Qaraxyo mataano ah oo ay ku dhaawacmeen 33 qof bartamaha dalka Philippines

Qaraxyo mataano ah oo ay ku dhaawacmeen 33 qof  bartamaha dalka Philippines29 December 2016

Ugu yaraan 33 qof ayaa dhaawacyo soo gaareen laba weerar oo ka dhacay magaalada bartamaha dalka Filibiin, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dalkaasi, taasoo ah dhacdadii labaad ee argagixisada ee dalka koonfur Asian in ka yar hal toddobaad.

Galinkii danbe ee arbacada , laba bam ayaa lagu qarxiyay goob ay ku sugnaayeen boqolaal dad ah oo daawanayay tartanka feerka oo lagu qabto magaalada Hilongos islamarkaana qayb ka ah xafladda fasax sanadeedka Roman Catholic, ee gobolka Leyte, sida ay sheegeen bilayska iyo saraakiisha dawladda khamiisti.

Sida laga soo xigtay Afhayeen u hadlay booliiska gobolka, Jenyzen Enciso, ayaa sheegay 16 ka mid ah dadka dhaawaca loo gudbiyay isbitaallada dhow iyadoo inta kale lagu daweeyey isla goobta kooxaha ambalaasta. Ugu yaraan 10 carruur ah, oo da'doodu tahay toddoba ilaa 15, ayaa ka mid ahaayeen dhaawaca.

Comments