Gambia: Isbahaysiga mucaaradka oo sheegay in Jammeh uu noqon doono falaago hadii uu xilka wareejin waayo 19 January .

Gambia: Isbahaysiga mucaaradka oo sheegay in Jammeh uu noqon doono falaago hadii uu xilka wareejin waayo  19 January .29 December 2016

Isbahaysiga mucaaradka Gambia ayaa sheegay in madaxweynaha xilka haya Yahya Jammeh si toos ah uu noqonayo falaago 19-ka bisha Janaayo hadii uu ku guuldareysto inuu si nabad ah ugu wareejiyo awooda Madaxweynaha la doortay ee Adama Barrow.

Afhayeenka isbahaysiga, Halifa Sallah, ayaa u sheegay Radio France International maalintii arbacada in ay weli ixtiraamaan xaqiiqda ah in Jammeh uu weli yahay madaxweynaha iyo in ay hor usii wadaan qorshaha caleema saarka Barrow 19-ka bisha soo socota.

'' Waxaan aaminsanahay in 19-ka (January) in (Jammeh xilligiisa uu dhici doonaa, oo madaxweynaha la doortay Barrow qaban doona xafiiska, waxa uu noqon doonaa taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, marka waxaan rajeeneenaa in Madaxweynaha Jammeh uu wareejiyaa si nabad ah xilka haddii uu ku guuldareysto inuu sidaa sameeyo maalintaas, wuxuu noqonaya mucaarad.

Comments