Gabadhii Nigerianka ee ku dhex nooleed baaquli caag ah oo geeriyootay

Gabadhii Nigerianka ee ku dhex nooleed baaquli caag ah oo geeriyootay28 December 2016

Rahma Haruna, gabar naafa aheed oo u dhalatay wadanka Nigeria taasoo indhaha caalamka soo jiidatay marki sawiradeeda online ay kasoo muuqdeen horaantii sanadkan, ayaa ku geeriyootay da'da 19.

Warkaan ayaa waxaa wariyayaasha maxaliga ah la wadaagtay Sani Maikatanga, taas oo markii ugu horaysay masuul ka aheed inay adduun weynaha usoo bandhigto dhibaatada haysata Raxma.

Gabadhaan dhallinyarada ah ayaa ku qaatay nolosheeda idil iyadoo ku dhax jirta baaquli caag ah sababtoo ah xaalad dahsoon oo gacmaha iyo lugaha ay illah amarkii joojiyeen inay koraan.

Ms Maikatanga ayaa ku sheegtay warbaahinta bulshada, in "Raxma Haruna oo 19 sano jir aheed ay geeriyootay waxayna uga bariday in Ilaaha Qaadirka ah iyada Jannatul Firdaws ugu bishaareeyo.

Raxma, oo gacmaha iyo lugaha ay joojiyeen inay koraan markay ahayd lix bilood kaliya , ayaa iyada iyo qoyskeeda waxa ay ku noolaayeen tuulada Lahadin Makole, oo ku dhow Kano ee dalka Nigeria.

Comments