Madaxweynaha Romania oo diiday musharaxa Raisul wasaaraha oo Muslim ah

Madaxweynaha Romania ayaa diiday musharaxa garabka bidix ee xisbiga Sooshal dimuqraadiga, ay usoo xusheen ra'iisul-wasaaraha, Sevil Shhaideh, taas oo noqon lahayd haweeneydii ugu horeysay oo Muslim ah oo dalkaasi Raiisul wasaare ka noqon laheed.

Klaus Iohannis ayaa faa faahin ka bixin sababta uu u diiday musharaxnimada Shhaideh, siyaasi 52-sano jir ah oo asal ahaan ka soo jeeda Turkishka oo ka imaatay bulshada 65,000-ee Muslimiinta Romania.

"Waxaan si fiican u falanqeeyay sababta iyo waxa aan u go'aansaday inaan aqbalin musharaxnimadeeda ayuu ku sheegay hadal uu telefishanka ka jeediyay Klaus Iohannis .

"Waxaan ugu baaqayaa isbahaysiga PSD inay soo magacaabaan qof kale." PSD oo aan weli ka hadlin arrinta, ayaa Shhaideh usoo doorteen xilka Raisul wasaaranimada ka dib markii ay ku guulaysteen doorashada December 11 marka oo ay heleen boqolkiiba 45 codbixiyayaasha.

PSD oo ay iskaashanayaan xisbi yar oo saaxiib muddo dheer ahaayeen ALDE, ayaa kontroolo 250 ka mid ah marka la isku daro 465 kursi ee labada aqal- aqlabiyad ku filan hoggaamiyahooda in loo doorta ra'iisul-wasaaraha.

Faallooyin