Russia: Lavrov oo sheegay inay iska kaashan doonaan dawladaha Iran, Turkey arimaha Syria

Russia:  Lavrov oo sheegay inay iska  kaashan doonaan dawladaha Iran, Turkey arimaha Syria 28 December 2016

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in dalkiisa ay sii wadi doonto si kor loogu qaado wada shaqaynta ay la leedahay dawladaha Iran iyo Turkey ee horumarka dhanka dawlada Suuriya.

"Waxaan sii dhisi doonaa iskaashiga aannu la leenahay Ankara, Tehran iyo wadamada kale ee gobolka ee arimaha Suuriya," ayuu wasiirka arrimaha dibadda Ruushka u sheegay wakaalada wararka ee Interfax maalintii talaadada.

Wuxuu intaa ku daray in wada shaqaynta saddexda dal ay mar hore badbaadiyeen nolosha iyagoo gacan ka geysanaya in ay dadka ka daadgureeyaan magaalada Suuriya ee dhawaan-la xoreeyay ee Aleppo.

Ciidamada Suuriya ayaa ku dhawaaqday 22 December in ay si buuxda gacanta ugu dhigeen magaalada istiraatiijiga ah ee Aleppo, iyagoo gebi ahaanba ka nadiifiyey dhinaca bari ee magaalada dagaalyahanada markii ugu horeysay tan iyo 2012.

Guushaan ayaa timid inkastoo taageerada military ay xagjiriinta ka helayaan Maraykanka, Turkey, iyo qaar ka mid ah wadamada Carabta ee gobolka .

Shir sanadle ah ayuu jimcihii, Madaxweynaha Ruush Vladimir Putin ku sheegay in xoraynta magaalada Aleppo ay suurtagali laheen hadii aan caawimo laga helin dalalka, Iran, iyo Turkey iyo niyadsamida Suuriya ee Madaxweyne Bashar al-Assad.

Comments