Fanaanka caanka ah Akon oo ku caawiyay $ 1 billion USD si loogu taageero mashaariicda hormarinta Afrika

Fanaanka caanka ah Akon oo ku caawiyay $ 1 billion USD si loogu taageero mashaariicda hormarinta Afrika28 December 2016

Fanaanka caanka ee Afrikan Americanka loo yaqaano Akon ayaa shaaca ka qaaday in uu uruuriyay lacag dhan 1 bilyan oo doolar si loogu maalgaliyo mashaariicda Afrika.

Isagoo la hadlayay saxaafada ayuu sheegay in aysan hawl fudud aheen inuu la yimaado lacagta intaas dhan, ee hal bilyan oo dollar ee ugu horeysay. Waxa uu intaa raaciyay in Afrika inay baahi wayn u qabaan waxyaabaha aasaasiga ah sida biyaha iyo korontada la qaadi karo.

Akon ayaa sheegay in jecelka uu u qabay, raaxada ay is dhimtay markii uu ogaaday baahida horumarinta ee qaarada saboolka ah ee Africa.

Sanadii 2015, fanaanka oo magaciisa dhabta ah uu yahay Aliaune Damala Bouga, oo masraxa looga yaqaano Akon, ayaa daah-furay mashruuca weyn ee solar korontada-qoraxda oo loogu talagalay bixinta korontada si ay uga faa'iidaystaan qaar ka mid ah 600 million oo Afrikan ah.

Dadaalka ugu horeyo ayaa diirada lagu saarayaa bulshooyinka reer miyiga ah oo aan haysan adeega korontada iyo sidoo kale in la helo habab lagu yareeyn karo kharashka korontada si ay u awoodaan dadka.---

Comments