Nigeria: In ka badan 3000 oo qof oo ku laabtay degaanka Damasak, ee gobolka Borno

Nigeria: In ka badan 3000 oo qof oo ku laabtay degaanka  Damasak, ee gobolka Borno28 December 2016

In ka badan 3,000 oo qof ayaa ku soo laabtay Degamada Damasak ee Gobolka Borno State, ee waqooyiga dalka Nigeria ka dib markii laga nadiifiyay Boko Haram dhufayskii ay ku lahaayeen kaynta Sambisa.

Madaxa ciidamada Nigeria , Tukur Buratai, ayaa sheegay in kaynta Sambisa hadda loo isticmaali doono sida garoonka tababarka saraakiisha Ciidanka Nigeria sanadka soo socda.

* Buratai ayaa sheegay hadalka isagoo ku sugnaa Damasak, halka oo uu kula dabaal degayay ciida Christmas ciidamada Guutada 145 ka dib markii wadada gasha magaalada uu dib u furay gudoomiyaha gobolka Kashim Shettima, saddex sano ka dib markii la xiray.

Waxaan sameen doona hawlgalo dheeraad ah oo adag si loo hubiyo in dambiileyaasha ay kusoo laaban kaynta mar kale ayuu yiri. Sida laga soo xigtay isaga kaynta ayaa sidoo kale loo isticmaali doonaa si ay ugu tijaabiyaan baabuurta dab damiska , iyo qalabka kale ee muhiimka ah iyo hubka u baahan in la tijaabiyo.

kaynta Sambisa ayaa aheed xarunta dhufayska ugu weyn ee kooxda Islaamiyiinta ah ee Boko Haram laakiin ciidanka Nigeria ayaa ka saaray xeradaasi xagjiriinta maalintii jimcaha.

Comments