Maxkamadda Koonfur Afrika oo u diiday in damiin lagu sii daayo Niman cunsuriyiin ah oo wiil madow ah doonayay in ay nolosha kugubaan

Maxkamadda South Africa ayaa u diiday khamiistii in lagu sii daayo shuruudo laba nin oo cunsuriyiinta cadaanka , islamarkaana lagu eedeeyay inay isku dayeen in ay ku xiraan sanduuq nin dhallinyaro madow ah uguna hanjabay in ay isaga ku gubayaan.

"Kuma jirto danaha dadka iyo mida cadaaladda in eedeesanayaasha lagu sii daayo dammaanad," ayuu yiri Garsooraha Jongilizwe Dumehleli ka dib markii uu aqriyay xukunka in ka badan laba saacadood.

Labada nin ayaa madaxooda hoos u fooraray ka dib markii go'aanka maxkamada lagu dhawaaqayay, halka dhagaystayaasha isugu soo ururay qolka maxkamada oo uu ku jiray dhibbanaha, soo dhaweeyeen xukunka.

Willem Oosthuizen, 28, iyo Theo Martins Jackson, 29, ayaa dib loogu celiyay xabsiga halkaas oo ay Christmaska ku dhamaysan doonaan, iyadoo dhageysiga soo socda la qorsheeyay January 25, 2017.

Labada beeralayda ee cunsuriga ah ayaa lagu eedeeyay inay afduubteen oo ay weerareen Victor Mlotshwa, 27-sano jir shaqaale ka ah, bishii August beer u dhow magaalada Middelburg ee gobolka Waqooyi-bari ee koonfurta Mpumalanga.

Labada nin ayaa la qabtay bishii November ka dib markii warbaahinta lasoo dhigay video sida muuqata lagu duubay taleefanka gacanta mid ka mid ah laba eedaysanaha.

fidiyowga 20-ilbiriqsi soconaya, ayaa mid ka mid ah eedeesanayaasha isku dayaya inuu ku xiro sanduuq dhibbanaha dhibtoonaya oo hoos jiifa.

Labada beeralayda ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay ku hanjabeen inay noolal ku gubayaan shaqaalaha oo ay mas ugu dhex tuureen sanduuqa.

Dukumenti ay qareenada u gudbiyeen maxkamadda Middelburg ayaa labada eedaysanaha ku andacoodeen inaysan cunsuri ahayn iyagoo sharaxay in ay doonayeen in ay "siiyaan cashar" Victor Mlotshwa, kaasoo galay hantida gaarka loo leeyahay islamarkaana xatooyo sameeyay.

Faallooyin