Kenya: In ka badan 400,000 oo qaxooti ah oo wajahaya gaajo xerooyinka qaxootiga

In ka badan 400,000 ee qaxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma ayaa wajahaya gaajo iyo macluul daran ka dib culeys dhanka maaliyada ah.

Barnaamijka Cuntada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) ayaa sheegay arbacadii in Sh1.4 bilyan oo raashin gargaar ah loo baahan yahay si loo xaqiijiyo badbaadada ee qaxootiga.

Hay'adda ayaa sheegtay in lagu qasbay in ay sameeyaan dhimis cusub ee raashinka qaxootiga sababtoo ah waxa ka dhamaaday khayraadka si ay u quudiyaan 434,000 oo qaxooti ah oo ku nool labada xero iyo sidoo kale kuwa dejinta cusub ee Kalobeyei.

"Waxaan ka codsaneena deeq bixiyayaasha inay usoo gargaaraan qaxootiga, kaasoo ku tiirsan gargaarka cunto ee WFP si ay u noolaadaan," ayuu yiri Conte Annalisa, Agaasimaha Dalka ee Kenya.

"Waxaan u baahanahay $ 13.7 million si loo daboolo baahida cuntada iyo lacagta caddaanka ah ee qaxootiga inta u dhexeeysa December iyo April ee sanadka soo socda," ayuu yiri Conte

Faallooyin