Saraakiisha ilaalada xadka Mareykanka oo lagu eedeeyay inay dileen kumanaan muhaajiriin ah

Saraakiisha ilaalada xuduuda ee dalka Maraykanka yaa lagu edeeyay in ay si bini'aadinimada ka baxsan ula dhaqmaan soo galootiga sharci darada uga soo gala xadka-US iyo Mexico, "iygoo gaysta dembi weyn oo taariikhi ah," sida ay sheegeen kooxda u doodda xuquuqda.

Ilaalada xuduudaha ayaa ka danbeeya dhimashada iyo dadka la waayay ee tobanaan kun oo ka gudbaya xadka "cidlada lamadegaanka ah ayay kooxda fadhigeedu yahay Arizona ku sheegeen warbixintooda.

Saraakiisha ilaalada ayaa eryada oo ku khasba muhaajiriinta aan sharciga lahayn in ay ku lumaan cidlada lamadegaanka koonfur-galbeed kuwaasoo qaarkood ay ku dhaawacmaan, ama dhintaan ama la waayaba.

Kooxda ayaa sidoo kale cambaareeyay Ilaalada Xuduuda Maraykanka inay carqaladeeyaan dadaalka gargaarka bini'aadanimo oo ay takooraan dadka aan sharciga lahayn ee u baahan gargaarka xaaladaha degdegga ah.

Faallooyin