Netanyahu oo sheegay in uu la kulmi doonin hoggaamiyaha Falastiin Mahmoud Abbas haddii France ay sii wado shirka caalamiga ah ee nabada

08 December 2016

Ra'iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu u sheegay madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande inuusan la kulmi doonin hoggaamiyaha Falastiin Mahmoud Abbas haddii France ay sii wado dadaalkeeda ku aadan inay hirgaliso shirka caalamiga ah ee nabada looga hadlayo magaalada Paris dabayaaqada bishan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska Jean-Marc Ayrault ayaa sheegay in France ay isku dayayaan inay ka dhaadhiciyaan Netanyahu, oo si joogta ah u diiday inuu kasoo qayb galo shirka, inuu la kulmo Abbas magaalada Paris si ay isugu dayaan in ay dib u soo nooleeyaan wadahadalada nabada-ee u dhexeeya labada dhinac.

"Netanyahu ayaa u sheegay Hollande haddii ay jiri doonin shir caalami ah ee Paris, inuu la kulmi doono Abu Mazen (Abbas) oo uu wadahadalo toos ah la yeelanayo sharuud la'aan.

"Israa'iil kama qayb qaadan doonaan shir caalami ah oo aan waxba ku soo kordhin doonin heshiiska nabada," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Si kastaba Paris ayaa ka go'an in ay shirka hirgaliyaan . Waxa ay aaminsanyihiin in hadii la isku keeno labada hogaamiye si ay ula kulmaan Hollande maalin ka dib shirka ay noqon doonto hab looga gudbo caqabadaha Yahuuda iyo eedeymaha in hindisaha Faransiiska looga golleeyahay in lagu soo rogo xal badan.

Comments