Donald Trump oo sheegay in Barack Obama uu siinayo talooyin ku saabsan magacaabida Golaha Wasiirada

Donald Trump ayaa sheegay in uu kala tashado Madaxweyne Barack Obama magacaabida golaha wasiiradiisa, isagoo tilmaamay inuu Obama ansaxiyay ugu yaraan mid ka mid ah dookhiisa maamulka soo socda.

Madaxweynaha la doortay ayaan la kulmin Mr Obama ka hor kulankoodii 10 ka November ee Xafiiska madaxtooyada , ka dib guul lama filaan ah ee doorashada Mr Trump.

Trump oo marar badan dhalayceen usoo jeediyay Obama oo ay ka mid aheed inuu aasaasay kooxda ISIS iyo in Madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ah uusan aheyn muwaadin Mareykan ah sanadkii 2011 ayaa isagoo ka hadlayay warbaahinta NBC oo maanta ku dhawaaqay in uu ahaa "Shaqsiga Sannadka",ayaa Mr Trump waxa uu bedelay aragtidiisa ku aadan Madaxweynaha , isagoo sheegay in uu ka dhaxeeyo "xiriir wanaagsan" iyo in ay wada shaqeeyaan ".

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu waydiisto talooyin ku aadan isbadalka madaxweynaha - oo ay ku jiraan dadka uu u dooranayo Golaha Wasiirada.

Faallooyin