Pakistan: Junaid Jamshed, heesaaga caanka isku badalay wadaad oo ka mid ahaa rakaabkii diyaaradda ku dhacday waqooyiga oo 48 qof ku dhinteen

07 December 2016

Diyaarad ay leedahay Pakistan International Airlines (PIA) oo ay saaran yihiin 48 qof ayaa ku burburtay waqooyiga Pakistan meel ku dhow caasimada Islamabad, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha (PIA) .

Diyaarada nooca PK 661 ayaa ku dhacday waqooyiga wadankasi wax yar kadib markii ay ka duushay magaalada buuraleyda ee waqooyiga Chitral waxayna u socotay magaalada Islamabad, sida ay sheegeen maamulka duulista.

Ciidamada Pakistan ayaa kasoo saaray maydadka 21 burburka diyaarada , sida lagu sheegay war uu soo saaray millatariga.

Junaid Jamshed, fanaankii caanka ahaa ee Pakistan ee isku badalay wadaad dadka wacdiya, iyo xaaskiisa ayaa sidoo kale ku-jiray dadka saarnaa diyaarada ku dhacday degmada Abbottabad.

Comments