Ugu yaraan 31 qof oo lagu dilay dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda Congo iyo maleeshiyada qabaa'ilka

06 December 2016

Dagaallo u dhexeeya ciidamada ammaanka iyo maleeshiyo beeleedka ee gobolka bartamaha Congo ayaa lagu dilay ugu yaraan 31 qof isbuucaan, sida uu xaqiijiyay Gudoomiye ku xigeenka Gobalka maalintii isniinta.

Hubert Mbingho N'Vula ayaa u sheegay TV ga deegaanka in colaada gobolka Kasaï uu ka bilowday dagaal u dhexeeya wiil iyo adeerkiis oo isku haysta cidda dhaxal ahaan u leh ugaasnimada beesha ka hor inta ciidamada Congo ay isku dayin in ay soo dhex galaan si ay u sugaan amniga.

"Adeerka ayaa billaabay inuu xaalada ku maareeyo xoog ayuu yiri N'Vula, isagoo intaa ku daray in lagu dilay isku dhaca 13 ciidamada amaanka iyo 18 maleeshiyada. In ka badan toban sano ka dib dagaaladii 1996-2003 oo ay ku dhinteen malaayiin qof, dalka macdanta qaniga ku ah ayaa weli la dhibtoonaya dagaalada kooxaha hubeysan iyo maleeshiyo beeleedka.

Comments