Hogaamiyaha ugu weyn ee xisbiga mucaaradka ee Gambia iyo 18 kale oo laga sii daayay xabsiga

Maamulka Gambia ayaa sii daayay Hogaamiyaha ugu weyn mucaaradka ee xisbiga (UDP), Ousainou Darboe iyo 18 kale oo ka tirsan mucaaradka kuwaasoo lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah bishii July.

sii daynta madaxda siyaasadeed ayaa imanaysa maalmo ka dib markii doorashada dalkaasi uu ku guulaystay Adama Barrow oo soo dhamaystiray xukunkii 22-sano ee Yahya Jammeh.

Waxa lagu sii daayay dammaanad maxkamada racfaan ah ka dib markii la dhagaystay kiiskooda galabnimadii Isniinta , waxaana la filayaa in si buuxda loo cafiyo taasoo qayb ka ah balamaha uu qaaday Madaxweynaha la doortay ee Barrow oo sheegay inuu sii daaynayo dhammaan maxaabiista siyaasadeed.

Xubnaha mucaaradka ee la sii daayay oo ay xukuntay Maxkamadda Sare ee Banjul ayaa loo haystay dambiyo la xiriira sida hurin colaadeed iyo shirqool, kuwaasoo la xiray ka dib markii ay sameeyeen banaanbax bishii April islamrkaana dalbanayay dib u habaynta siyaasadeed iyo si ay uga mudaaharaadaan dhimashada sargaal ka mid ah xisbga UDP.

Faallooyin