Haweeneey waayeel ah oo qoorta laga gooyay ka dib markii looga shakiyay in sameyso sixirka

Haweeney waayeel ah ayaa qoorta laga jaray ka dibna jirkeeda lagu gubay xaafada Samogara ee deegaanka Kisii dalka kenya.

Haweyneydaan oo 66-sano jir ah, ayaa keligeed ku nooleed aqal dhoobo ah, iyada la kulantay dhimashadeeda xili ay gurigeeda ku dhex sugneed .

Dadka deegaanka ayaa sheegay in loo dilay, sababtoo ah waxaa lagu tuhunsana inay sameyso quraafadka iyo sixirka.

"Waxaan ka shakinay in ay ahayd saaxirad ," ayuu yiri mid ka mid ah dadka degaanka, oo aan rabin in la magacaabo.

Odayga xaafada Matongo Samuel Ombui ayaa beeniyay eedeymaha, isagoo leh, waxay ahaayeen xanta tuulada kaliya.

Mr Ombui ayaa sheegay in aan la garanayn kuwa dilka gaystay balse saraakiisha booliiska ee goobta dambiga tagay ayaa bilaabay baaritaano ayuu yiri.

Faallooyin